SAHMIYE

Hagaha wakiilada cusub

Ku soo dhawoow Sahmiye

Sahmiye waa suuq casri ah oo loogu talagalay hantida ma-guurtada ah ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Hagahan wuxuu kuu sharxayaa sida aad u bilaabi lahayd.

Kharashka
Bilaash
Super Agent
20+ hanti
Xafiiska
Muqdisho
Saacadaha
10 – 5

Bilaabista

Saddex tallaabo oo aad ku bilaabayso

Sahmiye waa bilaash. Waxaad isla maanta bilaabi kartaa soo bandhigista hantidaada.

  1. 1

    Baro madasha

    Daawo casharrada rasmiga ah si aad u fahanto dhammaan adeegyada Sahmiye.

  2. 2

    Soo geli hantidaada

    Ku dar guryahaaga xog sax ah, sawirro tayo leh, iyo qiimo cad.

  3. 3

    Hel macaamiil

    Macaamiishu si toos ah ayay kula soo xiriirayaan. Si degdeg ah ugu jawaab.

Barnaamijka Super Agent

Super Agent waa heer rasmi ah oo la siiyo wakiilada lagu kalsoon yahay, ee si joogto ah u bixiya xog sax ah iyo adeeg tayo leh.

Shuruudda ku-biirista

Super Agent

20+hanti

Faa'iidooyinka barnaamijka

  • Calaamadda SuperAgent ayaa ka muuqan doonta profile-kaaga

  • Tababar joogto ah oo ku saabsan suuqa guryaha iyo isticmaalka Sahmiye.

  • Fursado lagu kordhinayo dakhligaaga iyo macaamiishaada.

  • Qalab casri ah oo fududeynaya xayeysiinta hantida.

Su'aalaha

Su'aalaha inta badan la is weydiiyo

Ma lacag baa lagu bixiyaa isticmaalka Sahmiye?

Maya. Soo bandhigista iyo maamulka listings-ka Sahmiye waa bilaash.

Maxaa looga baahan yahay si loo noqdo Super Agent?

Waa inaad Sahmiye ku soo gelisaa ugu yaraan 20 hanti oo xog sax ah leh. Aqoonsiga waxaa la siiyaa wakiilada firfircoon ee ilaaliya heerka adeegga macaamiisha.

Xaggee ka heli karaa casharrada isticmaalka?

Dhammaan casharrada waxaa laga heli karaa kanaalka rasmiga ah ee Sahmiye ee YouTube.

Sideen ula xiriiri karaa kooxda Sahmiye?

Waxaad nagala soo xiriiri kartaa WhatsApp, ama waxaad booqan kartaa xafiiskeena inta lagu jiro saacadaha shaqada.

Xiriirka

Booqo xafiiskeena

Kooxdeena waxay diyaar u tahay inay kaa caawiso. Nagu soo booqo xafiiska ama nagala soo xiriir WhatsApp.